Dhageyso: Qoys Soomaaliyeed Oo Ku Nool Magaalada London Oo Aas U Sameeyay BISAD.

0

Bisad rabbaayad u aheyd qoys Soomaaliyeed oo ku nool magaaladda London ayaa ku dhimatay shil baabuur, ka dibna ciidanka booliiska ayaa qaaday mukulaashii oo geeyay isbitaalka xayawaanka.

Booliiska ayaa markaa kaddib la soo xiriiray qoyska oo u sheegay waxa ku dhacay bisaddoodi.

Sidoo kale waxyar kadib waxaa qoyska soo wacay isbitaalka oo ku wargeliyay in mukulaashii ay u dhimatay dhaawacii, lagana rabo inay u yimaadaan isbitaalka si loogala taliyo qaabkii ay yaanyuurta u aasan lahaayeen.

 

 

Hoos Ka Dhageyso