DHAGEYSO WARBIXIN : ku aadan Sannad guuraddii 19-aad ee Geeridii Jeneral Mohamed Farah Caydiid.

0

Allaha U Naxariistee, Jeneral Mohamed Farah Caydiid waxaa bishii August 2-dii eesannadkii 1996-kii uu u geeriyooday dhaawac rasaaseed oo ku soo gaaray Dagaal Maleeshiyaadiisa iyo kuwii  Marxuum Cismaan Cali Caato ku dhex maaray Degmadda Wadajir ee magaalladda Muqdisho.

Jeneral Mohamed Farah Hassan “Caydiid” oo ahaa Sarkaal Milliteri iyo Diplomaasi waxa uu sannadkii 1934-kii ku dhashay Gobalka Hiiraanee Bartamaha Somalia.

Waxa uu Waxbarashadiisa Hoose ilaa Sare ku qaatay magaalladda Muqdisho.

Waxa uu sannadkii 1953-kii Waxbarasho Milliteri loogu diray  caasimadda Dalweynihii Midowgii Soofiyeeti ee Mosko.

Sannadkii 1956-kiiu. Waxa uu Tababar kale u aaday Kulliyadda Dagaalka ee ku taalla caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome.

XorriyaddiiSomalia kadib, ayuu soo laabtay, wuxuuna Xilal kala duwan ka soo qabtay Taliskii Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia oo uu Taliye ka ahaan jirey Allaha U Naxariistee  Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi oo ah Halyeey iyo Aabihii aasaaska u dhigay Ciiddanka Qarankaa.

Marxuum Jeneral Mohamed Farah Hassan “Caydiid” waxaa sannadihii 1963-kiiilaa 1964-kii ahaa Madaxa dhinaca Ciiddaamadda ee Safaaraddii Somalia ee dalka Talyaaaniga.

Curashaddii Dowladdii Kacaanka ee uu Madaxweyne ka ahaa Marxuum Jeneral Maxamed Siyaaad Barre, waxay Dowladdii Milliteriga xabsiga dhigeen Saraakiil ay ugu muhiimsanaayeen Jeneral Mohamed Farah Hassan “Caydiid” iyo Marxuum Kornel C/llaahi Yuusuf Axmed.

Labadaasi Marxuum oo lagu tuhunsanaa damac Afgembi waxay Xabsiga ku jireen muddo lix sanno ah.

Sannadkii 1976-kii, MarxuumCaydiid waxaa loo magacaabay La-taliyaha Madaxweyne JAALLE Siyaad ee Arrimaha Amniga.

Sannadihii 1982-kii ilaa 1990-kii, Jeneral Caydiid waxa uu ahaa Danjiraha Somalia u joogaydalka Hindiya.

Sannadkii 1990-kii ayuu Caydiid iska casilay Shaqadii Danjirenimo, wuxuuna aaday dalka Ethiopia oo uu ka abaabulay Jabhad hubeysan.

Kornel C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kaga horreeyey dalka  Ethiopia,  waxayna Dowladdii Ethiopia ee uu hoggaaminayey Kornel Mingiste Xayle Maryama ku taageereen Aasaaskii Jabhaaddii SSDF oo ay Dowladdii Kacaanka uguyeeri jirtey Qurmis.

Jeneral Caydiid waxa uu ka mid noqday Saraakiishii hoggaaminaysay Kacdoonkii Jabhadaha ee ugu dambeyntii xilka ka tuuray Dowladdii Kacaanka bishii Janaayo 26-dii ee sannadkii 1991-kii.

Jeneral Caydiid waxa uu Madax ka noqday Jabhaddii USC oo ay ku mideysnaayeen Beelaha Hawiye, waxayna Taageerayaashiisa dagaal lagu hoobtay la galeen Madaxweynihii Dolwadda KMG ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, Ali Mahdi Mohamed.

Iska horimaadkaasi ku xiriirsanaa Awoodda, waxa uu socday muddo afar bilood ah, iyadoo uu daagaalku qaxay bishii November 17-dii ee sannadkii 1991-kii, kadib, markii uu Jeneral Caydiid sheegay inuu afgembiyey Dowladdii Madaxweyne Ali Mahdi, oo uu Jeneral Caydiid uguyeeri jirey Kooxda Maanafesto.

Sannadkii 1995-kii, Taageerayaasha Isbahaysiga SNA waxay Jeneral Caydiid u doorteen Madaxweynaha Somalia, balse ma uusan  ku caanomaalinMagacaabistaasi.

Waxay Jeneral Caydiid kala irdhoobeen Maalgeliyihii Halgaankiisa, Marxuum Osman Hassan Ali “Caato”, waxaana isku dhacay Maleeshiyaddii Caydiid iyo Caato.

Iska horimaadkaasi ayaa waxa uu ahaa mid ay dad badan ku geeriyoodeen, iyadoo Maleeshiyadda Caato ku xooganaayeen XaafaddaSey Biyaano,Zone Keey Siligga Maraaykanka. Iyo qeybo ka mid ah Degmaadda Wadajir.

Maleeshiyaddii Caato waxay taageero ka heli jireen Maleeshiyadda Guddoomiyihii Wadajir iyo Dharkenley, Xaajo Muuse Suudi Yalaxow, waxayna dagaal laguriiqmayla galeen Maleeshiyaddaii Jeneral Caydiid.

Jeneral Caydiid waxauu ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Dharkenley, wuxuuna Bishii August 2-dii eesaannadkii1996-kii u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray dagaalladaasi.