DHAGEYSO:- Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka oo Beenisay Eedeymo Musuqmaasuq ah oo loo jeediyay.

0

Ibraahim Cali Xuseen Madaxa Xiriirka dibadda ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaanka lagu hayo shirka SOM OIL and GAS ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska oo howlo shidaal baaris ah ka wada Soomaaliya aysan ahayn wax qarsoon ayna la socoto cid weliba oo Warbaahinta ay ka mid tahay sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Masuulkaan u hadlay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in cid weliba oo dooneysain ay wax ka ogaato howlaha shidaal baarista ee shirkaddaan ay ku gacansiinayaan sida uu yiri.

“ Mida kale waxaan jecelahay inaan idiin Cadeeyo inaan annagu wax Musuqmaasuq ah aanan ku arkin shirkaddaan mudada aan la shaqeyneynay” sidaas waxaa yiri Ibraahim Cali Xuseen Madaxa Xiriirka Dibadda ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba Kooxda dabagalka Xayiraadaha saaran Soomaaliya iyo Eretria ayaa warbixin Cusub ay soo saareen ku muujiyay lacago shirkadda SOM OIL and GAS iyo Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya ay kala qaateen.

HOOS KA DHAGEYSO: