DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa oo ku baaq in Warbaahintu wacyi geliso dhalinyarad dhaqan doorsoomay.

0

Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo ka qeyb galayay Xafladda xiritaanka tartan aqooneed ayaa sheegay in Warbaahinta ay door  muhiim ah ay ka ciyaarto wacyi gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyay.

Prof Dalxa ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyaradu ay u nuglaadeen dhaqanno xun xun , oo ka fog jiritaanka dhaqan iyo Hidaha umadda Soomaaliyeed isagoo ku taliyay in loo baahan yahay in la isu taago si looga hortago, loogana baraarujiyo dhalinyaradaas Soomaaliyeed.

Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa ayaa waxaa dhinaca kale ku nuux nuuxsaday In ay tahay idaacadda kaalin muuqata kaga soo dhalaashay umadeeda isagoona ku cel celiyay xasuusta abaalmarintii   ay adduunka uga hanatay idaacadda ugu wanaagsan ee Caalamka taasina uu ku tilmaamay in ay tahay mid marqaati ma doonta ah.

HOOS KA DHAGEYSO: