Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Cabdifataax Maxamed Caano-geel (Qadaafi).

0

Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30-08-2015 ku geriyooday Magaalaga Eldoret ee dalka Kenya Allaha u Naxariistee Marxuum Cabdifataax Maxamed Axmed Caano-geel (Qadaafi).

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Walaalkeen Marxuum Cabdifataax Maxamed Axmed Caano-geel (Qadaafi), waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Reer Caanogeel, Gaar ahaan Reer Maxamed Caanogeel iyo Hooyo Faadumo Sheekh Cali, Xaaski iyo Caruurti Marxuumka Iyo Asxaabti Marxuum Qadaafi Maxamed Caano-geel, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Walaalkeen Marxuum Cabdifataax Maxamed Axmed Caano-geel (Qadaafi), waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Walaalkeen Marxuum Cabdifataax Maxamed Axmed Caano-geel (Qadaafi) janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

tacsiii