Dowladda Soomaaliya Ma Shacabka Baardheere Ayay La Dagaalameysay Mise Al Shabaab? Maxay Gurmad U Gaarsiin La’adahay Shacabka? Maxaase Ka Hortaagan In La Furo Garoonka Diyaaradaha Baardheere?

0

22 Luulyo ayay ahayd markii magaalada Baardheere ay soo gashay gacanta Ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa Itoobiya islamarkaana magaalada ay isaga haluuleen kooxda mayalka adag ee Al Shabaab oo ka talinayay sanooyin badan.

Sida caadadaba ahaan jidhay markii deegaan ay la wareegaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM meeshana ay isaga baxaan ururka Al Shabaab, waxaa dowladda Soomaaliya ay gaarsiin jidhay deegaankaas gurmad isugu jira Raashin iyo Dawo iwm, islaamarkaana waxa ay si deg deg a u furi jidhay garoonka diyaaradaha magaaladaas ama deegaankaas ku yaal.

Haddaba waa su’aale 22 Luulyo ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4 Agoosto, 13 maalmood ka dib maxaa sabab u ah in aan magaalada Baardheere dowladda Soomaaliya aysan gaarsiin gurmad isugu jira Raashin, Dawo iwm? maadaama magaalooyin kale ee dalka ee soo gala gacanta dowladda la gaarsiin jiray gurmad deg deg ah islamarkaana loo saari jiray gudiyo ka kooban dowladda.

Sidoo kale waxaa isweeydiin mudan sababta keentay in garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere oo ku jira gacanta ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya mudo gaareysa 13 maalmood uu xirnaado oo aysan ka dagin karin wax diyaaradaha oo sida dadka booqanaya dadkooda ku nool magaalada Baardheere oo aysan arag mudooyin sanado ah?

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya habdaqankeedan iyo kuweedi horeba markii aad eegto soo leysma oran karo waxa ay wado Dowladda waa waxa dadka kasoo jeeda gobolkan Gedo ay horey ugu tuhmayeen intooda badana ku ogaayeen ee ahaa in ay dagaal qaawan ay kula jirto dadka Gobolka Gedo? haddaan si kale u dhigana soo lama oran karo Hasha Maankeeyga Gaday Ma Masaar bey Laqday, qabashada Baardheere iyo cunaqabateynta weli saaran magaalada waa waxaan caqli fiyoow gali karin’e Dowladda Soomaaliya Ma Shacabka Baardheere Ayay Lala Dagaalameysay Mise Al Shabaab?

Isku soo wada duuboo waxaa xaqiiqo ah marnabana aan meesha laga saari kareyn lana hureyn in marka koowaad dadka ka soo jeeda gobolka Gedo ay isku tashtaan oo ay iyagu iskood isu abaabulaan si gurmad deg deg ah loola gaaro shacabka Magaalada Baardheere, Maadaama ay cadahay muuqatana in Dowladda ay Hogaaminayaan Xasan Sheekh Iyo Cumar Cabdirashiid aysan matalin wax xil ahna u hayn Shacab Weynaha gobolka Gedo…