FAA FAAHIN : Saddex nin oo dhalinyaro ah oo lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada ayaa sheegaya xalay deegaankaasi in lagu dilay saddex ruux oo Dhalinyaro ah, kuwaasi oo aan la ogeyn waxa ay yihiin.

Saddexdaan ruux ee Dhalinyarada ah ayaa saaka meydkooda waxaa lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha iyaga oo ay ku taallo rasaas, waxaana la sheegayaa xalay in lagu dilay xaafadaha Deegaanka Ceelasha biyaha, kadibna saaka meydkooda lasoo dhigay Isgoyska Ceelasha Biyaha.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa saaka meydkooda lagu arkay masaajidka Dabaqeynka hortiisa ee deegaanka Ceelasha Biyaha, iyaga oo ay ka muuqato rasaastii xalay lagu dilay.

Waxaan la ogeyn cida ka dambeysay dilka loo geystay Dhalinyaradaan iyo sidoo kale Dhalinyarada qudhooda waxa ay yihiin, xilli dadka deegaanka ay isweydiinayaan cida dishay dhalinyaradaan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay saaka inay cabsi dareemeen, kadib markii ay arkeen Dhalinyarada saddexda ah meydkooda oo rasaas ay ku taallo cida dishayna aan la ogeyn.

Maamulka Deegaanka Ceelasha Biyaha weli kama aysan hadlin dilkaan loo geystay saddexdaan Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay deegaankaasi.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa saaka aad looga hadal haayaa Dhalinyaradaan la dilay cida dishay iyo meesha ay ka yimaadeen Dhalinyarada.