Faah Faahin : Baaritaano Saakay ka Socda Degmada Xamar Jajab kadib dil loo Geystay Haweeney Gudoomiye Waaxeed aheyd.

0

Maamulka Degmada Xamar Jajab ee dowlada soomaliya ayaa ka warbixiyay Dil xalay ka dhacay Gudaha Degmada kasoo loo Geystay Haweeney Gudoomiye Waaxeed aheyd

Gudoomiye Ku-xigeenka Degmada  Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir c/laahi axmed ayaa sheegay in uu jiro dilka loo Geystay Haweeney Gudoomiye Waaxeed aheyd ayna saakay socdaan Baaritaano ku aadan cidii ka dambeesay dilkaas

Kooxda Dilka geystay ayaa la sheegay in ay meesha ka baxsadeen markay dilka u geysteen Haweeneyda Gudoomiye Waaxeedka ka aheyd degmada xamar jajab ee Gobolka Banaadir

Marar badan waxaa ka dhacay degmada xamar Jajab ee Gobolka Banaadir dilal loo geystay shaqsiyaad kamid ah Maamulka Degmada xamar jajab ee dowlada soomaliya