LIVE : Al-shabaab oo iskaga baxay Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay iskaga baxeen Halkaa kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa  AMISOM ay Kaabiga ku hayaan Degaanka.

Corneyl Maxmed Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada  Milatariga Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Saacadaha soo socda ay la wareegayan Degaanka Halgan.

Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa Saddex Todobaad ka hor waxaa iskaga baxay Ciidamada AMISOM oo kala Wareegay Al-shabaab,waxaana Al-shabaab ay mar kale dib u qabsadeen Halgan,inkastoo ay ka baxeen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya Xaalada kacsanaan ah ay ka jirto Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.