LIVE U DHAGEYSO : Ciidamada AMISOM oo isku fidiyay Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Ciidamada Nabad Ilaalada ee Midowga Afrika ee AMISOM in ay isku fidiyeen Deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Degaanada ay isku fidiyeen Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa ka mid ah Tuulo-Barwaaqo oo qiyaastii 14Km u jirta Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo Tuuladaasi oo dhawaan uu Dagaal Culus ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Dhaq dhaqaaq Al Shabaab iyadoo xusid ay mudan tahay in Dagaalkaasi ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiin ka mid ahaa maamulka Degmada Garbahaarey

Fiditaanka Ciidamada Itoobiya ee Tuulo-Barwaaqo ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada Dowladda ay maalmo ka hor gacanta ku dhigeen Tuuladaasi.

Ilo Wareedyo ku sugan Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Tuulooyin iyo Degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Gedo in ay isku ballaariyeen Ciidamada Itoobiya eek u howlgalla Magaca AMISOM.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo militari oo ka dhan ah Al Shabaab waxaa ay ka wadeen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.