LIVE U DHAGEYSO : Ciidamada Huwanta oo dib ula wareegay Deegaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan.

0

Max’ed Cumar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay dib gacanta ugu dhigeen deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sarkaalkaan ayaa qeexay in gacan ku dhigista deegaankaas ay timid kadib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ay howl gallo ka dhan ah Al Shabaab deegaanno iyo tuulooyin hoostaga qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan isagoona carabka ku dhuftay in xaaladda ammaan ee deegaanka Halgan haatan uu yahay mid sugan.

Dhinaca kale Max’ed Cumar oo soo hadal qaaday dhibaatooyin ay horay deegaanka uga geysteen Ciidamada AMISOM ayaa hoosta ka xariiqay in aysan dib u soo noqon doonin falalka nuucaasi ah ayna dhowri doonaan xuquuqda dadka ku dhaqan deegaankaas.

Deegaanka Halgan ayaa  gacan ku heyntiisa waxaa isku  bed bedelayay Ciidamada Huwanta ah  iyo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka halkaas degan ay ku jireen xaalado Cabsi iyo qal qal ah maadaama deegaanku ahaa furun dagaal.