LIVE U DHAGEYSO:- Ganacsiga Magaaladda Marko Oo Maanta Xiran iyo AMISOM Oo Dad leysay.

0

Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose Marka waraka aynu ka heleylo waxaa ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM  ay halkaas Dad shacab ah ku Dileen,arintan ayaa ka danbeysay kadib markii Shalay Galinkii danbe Qarax lala beegsaday AMISOM Gaari ay wateen  halkaasna ay ku burburtay Booyad Biyo u waday Ciimadda.

Ciidanka AMISOM ayaa xalay waxaa Baaritaano ka sameeyeen Xaafadaha Magaaladda Marka  Dadkana guryaha ayey u galeen iyaga raas adeegsanaya.

Wararku waxaa kale ayaa sheegayaan in Dhimashodu ay gaarsiisan tahay illaa 6 Ruux oo rayid ah kuwaa oo wali aysan AMISOM  ogolaan Meydkooda in Losoo bixiyo.

Qof kamida Dadka Marka ayaa sheegay in gabi ahaanba Ciidanka  Magaaladdu  u Xirintahay Meelkasatna  Ciidamadu ku sugan yihiin .

Maagalada Marka ee Gobolka Shebeelaha Hoose ayaa dhawaan waxaa AMISOM ku dileen ku dhawaad  20 oo shacab ahaa waxaa War Saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ay ku beeniyeed in Dad rayid ah ay dhibaato u geysteen  iyagoo sheegay in Dadka ay dileen ay ahaayeen Al Shabab uuna ku jiray Sarkaal sare.

HOOS KA DHAGEYSO: