LIVE U DHAGEYSO : Wararkii Ugu Danbeeyay ee Kulamo ka socda Cadaado & Guuleed Oo Lagu Dhaganyahay.

0

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa weli waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Masuuliyiinta Maamulka Galmdug iyo Xildhibaanada Maamulkaasi.

Kulamada ayaa diiradda lagu saarayaa arrinta ku aadan ku dhawaaqistii dhawaan ee Golaha Wasiirada maamulkaas oo xildhibaanno Maamulka katirsan ay ka soo horjeesteen.

Kulamada oo xalay saqdii dhexe billaabmay ayaa la sheegay in saaka mar kale dib la isugu soo noqday.

Xildhibaan Mahad oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in haatan aad ay  isugu soo dhawaadeen labada dhinac.

Dhawaan xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sameystay Kutlo ay uga soo horjeedaan Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaasi.

HOOS KA DHAGEYSO: