LIVE UDHAGEYSO:- Saraakiil ka tirsan Shabaab oo lagu Dilay Gobolka Baay.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Howlgal ay ka qeyb qaateen Diyaaradaha AMISOM oo ka dhacay Degaan lagu Magacaabo Dalandoole oo hoostaga Degmada Buurhakaba  lagu dilay Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Howlgalkaan oo ahaa mid Qorsheysan ayaa lagu bartilmaameedsaday Saldhigyo ay Degaankaasi ku lahaayeen Al-shabaab,waxaana halkaasi lagu dilay Tiro Dagaalameyaal ah,iyadoo sidoo kale Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku soo furteen  Gaadiid Dagaal.
Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in Maanta ay soo bandhigi doonaan Howlgalka ka dhacay Degaanka Dooladoole ee Gobolka Baay.