TOP DHAGEYSO: Madaxweynaha Galmudug oo caawa magacaabay Golaha Wasiirada ee Maamulkiisa.(Akhriso Magacyada)

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa caawa magacaabay 24 Wasiiro, 23 Wasiiro Ku Xigeeno iyo afar Wasiiru Dowlayaal ah.

Munaasabad caawa ka dhacday Madaxtooyada Magaalada Cadaado, ayaa looga dhawaaqay Golaha Wasiirada. Waxaana magacyada Wasiirada akhrinaayay Afhayeenka Maamulka Galmudug, C/risaaq Maxamuud Xaaji Xasan (Socoto).

Golaha Wasiirada, ayaa waxaa ka soo muuqday xubno ka tirsan mid ka mid ah labada garab, ee ay u kala qaybsamayn Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe. Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, ayaa ka mid ah ragga lagu dhex arkay liiska Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlaayay munaasabadda, ayaa sheegay inay u suurta gashay magacaabidda tiradaasi, isla-markaana ay dib ka soo magacaabi doonaan inta kale ee u dhiman.

Mar uu Madaxweynaha ka hadlaayay sababta keentay dib u dhac ku yimid magacaabidda Golaha Wasiirada, ayaa sheegay inay ku mashquulsanaayen qancin beelaha iyo Ahlu Sunna, hadana ay Ahlu Sunna ku qanciyen inay ka mid noqoto Galmudug.

Suxufiyiinta Magaalada Cadaado, ayaa soo sheegaaya Golaha Wasiirada ee caawa la magacaabay in intooda badan, ay ku cusub yihiin saaxadda siyaasadda Somaliya.

 

d1 d2 d3