MAQAAL:Abihii Federaalka Oo Wali Car Cartiisa Qaba Iyo Hooyadii Federaalka Oo Aad Moodo In Iminka Ay Dhalmo Deysay!

0

Akhristoow Soomaalida waxay ku maah maahdaa (Wiilkii Is Waalaba Waabiyaa Hela) hadaadse in badan maqli jirtay Hooyada Federaalka oo meel walba taagan ama ka booda waxaa iminka muuqata in Aabihii Federaalka uu wali gaboobin oo car cartiisa uu qabo halka Hooyadii Federaalka ay iminka dhalmo deeysay ama joojisay meel walba istaagii iyo meel walba ka boodkii.

Waxaa xaqiiqo ah lana hubaa in Jaran Jartii (Salaankii) orod lagu fuulaa in orod looga soo dagayo, taas anoo ulla jeeda bal dib u jaleec taariikhda aduunka iyo Qoowmamkii (Dowladdihii) quwada weynaa ee soo maray sida Roman-kii, in talada iyo awooda garabkooda ay ka baxday, waxaan kaloo hubnaa halka ay ku danbeeyeen, haddaba maleeys oran karaa waxaa la gaaray Waqtigii Hooyada Federaalka ay awooda faraheeda ka bixi lahayd?

Waa xaqiiqo in Hooyada Federaalka aysan waxba u xeerin ummada Soomaaliyeed, lagana harsan iyo hoyan waayay , Ummada Soomaaliyeedna meel walbaa oo ay joogaan waa ay ka marag kacayaan arintaas, waxaadse maalmaan moodaa inay Hooyadii Federaalka afkeeda xiratay, haddaba ma laga yaabaa in iminka uu Aabaha Federaalka maadaama ay Hooyadii Federaalka jabtay in uu wax xeeriyo oo uu iska daayo hooyada Federaalka si ay gurigeeda u joogto maadaama ay tahay iminka Islaantan dhalmada deysay?

Hooyada Federaalka awooda kaliya ee u hartay maanta waa Jikada Boosaaso ee u gaarka ah oo waxa kasoo daga Jikadaas ay inteeda badan leeyihiin caruurta Aabaha Federaalka.

Sida la saadaalinayo Sadex sano gudaheed Aabaha Federaalka iyo caruurtiisa waxa ay gaari karaan isku filnaan waxa uuna guursan karaa Hooyo kale oo waxbadan ka wanaagsan Hooyada Federaalka oo u gasha Jikada Hobyo, si isaga iyo caruurtiisaba ay u noolaadaan, waa Haddii aabaha federaalka uu u dhaqmin sida hooyadii federaalka ee ahayd ( Teeyda Waa Ii Gaar Tiinana Waan Idin La Leeyahay, Intaan Aniga Dhiman Lahaa Adiga Dhimo, Anigaa Noolaanayee iwm).

Waxaa sidoo kale hubaal ah in mudo sanad iyo bar gudaood ah ay Hooyada Federaalka wajihi doonaan dadkeeda macaluul, daryeel xumo iyo awood daro siyaasadeed  iyo mid shaqo la’aan, sababtoo ah Hooyada Federaalka iminka dhaqaalo fara badan ayay  Hay’adaha caalamiga ah uga qaadataa dhulkan uu la wareegay Aabaha Federaalka, waxii waqtigaas ka dambeeyana Aabaha Federaalka ayay dhamaan dhaqaalahaas usoo wareegayaan. (Ha Jug Leyso).

Akhyaarey Gabagabadi iyo gunaanadka qoraalkayga waa Aabaha Federaalka hoowl badan iyo caqabado badan ayaa sugaya, nasiib darose waxay noqonaysaa marka Abaha Federaalka uu garan waayo Awoodiisa iyo Barwaaqada uu dhex jiifo oo uu raadiyo waxa uu haysto wax ka badan, waana waxa ay u jabeen awoodihi xooga badnaa ee dunida soo maray. (Balanteenu Waa Qunyar Socod).

(Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg)

 

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
dhabarloow1@gmail.com

 

FG: Qoraalkan Kama Turjumayo Aragtida Warbaahinta Allgalgaduud Media, Waa Aragtida Qoraha Magaciisa Ku Saxiixan, Waxii Ammaan Ah ama Dhaliil Ah Kala Xiriir Qoraaga.