Qiso Gaaban Oo Cajiib Kana Turjumeyso Wuxuu La Kulmay Caalimkii 7-da Gabdhood Dhalay Ee ALLAH Tallo Saartay Markuu La Kulmay..

0

Xaatim Al Assam wuxuu ahaa Caalimkii Muslimiinta Wakhtigii Dawladdii Cabbaasiyiinta. wuxuu Dhalay 7 gabdhood. Gabadha ugu weyni waxay jirtay 14, ta ugu yarina 2sanno.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Kutubtiisii Xir-xiray. Xaaskiisa ayaa tiri iyada oo yaabban:- Halkeed u socotaa?. Wuxuu yiri:- Cilmi ayaan u baxayaa. Kolkaas ayey ku tiri:- ayaad nagaga Tageysaa?”. Xaatim lama hadal. Xaaskiisii way Calaacashay, iyadoo ka Baryaysa Xaatim inuu iska Fadhiyo.