Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiraya Shirka Dib u Eegista Dastuurka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta waxaa la filayaa in uu Magaalada Muqdisho ku soo xiro Shirka Ururada Bulshada Rayidka ah uga Furmay Magaalada oo looga hadlayo qaabka Dib u Eegis loogu sameynayo Dastuurka Qabyo Qoraalka Soomaaliya.

Shirkaan oo Shalay Magaalada uu ka Furay Kusimaha Madaxweynaha Dalka Ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ururada  Bulshada Rayidka ah oo ka kala yimid,Puntland,Jubbaland, Koofur Galbeed,Galmudug,Gobolka Banaadir iyo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ujeedka Shirka ayaa ahaa in laga doodo sida ugu Macquulsan ee Dib u Eegis loogu sameyn karo Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Bisha March ee Sanadka 2016-ka ayaa lagu wadaa in Afti loo qaado Dastuurka KMG ah ee Dalka.