Soo Gaar Aabaheey Waxaa Haayo Sakaraadkii Geerida ‘Qolkii Murugada Iyo Waxyaabihii Ka Dhacay’..

0

Waxaan lahaa saaxiib aan aad u jeclaa saaxiibnimadiisuna igu weynayd, waxaa i farax galin jiray aragtidiisa, waxaana wehel ii ahaa imaanshihiisa waxaannu wadaay iyo jaal ahayn muddo aad udheer.

Waxaanu ahayn sir iyo soof wadaag, arrinkiisa waxna igama qarin jirin anigana sidoo kale ayaan u ahaa, ilaa aan socdaalay oo ka dhulyaalay meeshii aan wada joognay meel fogna aan tegay.