TOP DHAGEYSO:- Baarlamaanka oo ka dooday hindise sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Somaliya.

0

Akhrinta 2aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka usoo gudbiyey warbixinta Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka oo wax ka bedel ku soo sameeyay Hindise Sharciyeedkan waxaana Guddoomiyaha Guddigan Mudane Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Xildhibaannada ka hor hadlay uu qeexay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dalka isagoo sidoo kalena ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney meel mariyaan.

Xoghayaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali ayaa isna Mudaneyaasha Baarlamaanka u akhriyey guud ahaanba qodobada xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo wax ka bedelkii ay guddiga kusoo sameeyeen waxaana qodobada xeerkan ka sokoow siyaasadda lagu hagayo isgaarsiinta guud ee Qaranka iyo in gacanta dowladda lagu soo celiyo maamulka isgaarsiinta ka sokoow ka mid ah in shirkadaha isgaarsiinta is wici karaan oo uusan muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbanaan in uu qaato ama isticmaalo madaxyo kala duwan oo telefoonnada gacanta ah.

Dhinaca kale waxaa Xildhibaannada Baaramaanka loo qeybiyey soo jeedin wax ka bedel lagaga sameynayo qodobada qaar ee sharcigan oo ka timid xubno guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ka tirsan, waxaana Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hor akhrisay soo jeedintooda ayaa xustay in qodobada 8-aad ee hindisahan uu qeexayo in guddiga xubnhihiisa laga dhigo 7 balse u qeybsami karin hanaanka saami qeybsiga Soomaalida ee lagu heshiiyey sidaasi darteedna ay soo jeedinayaan in laga dhigo 9 xubnood si looga hortago kala sed bursi iyo in nidaamka lagu ansixinayo guddiga uu maro habraaca ay maraan guddiyada madaxa banaan oo ah in marka Golaha Wasiirradu soo ansixiyaan Baarlamaanka la horkeeno.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: