TOP DHAGEYSO:- Cabdi Jiinow “Halka shirka lagu qabanayo Guddoomiye C/fataax iyo cid kale ma go’aamin karaan…”

0

Maalmo ka hor Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax waxaa uu sheegay in Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe lagu qabanayo Magaalada Baledweyne ee Xarun Goboleedka Gobolka Hiiraan islamarkaana Arrintaasi uu wax ka og yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Xasan Sheikh Maxamuud.

Hadalkaas ayaa waxaa ka horyimid Siyaasiin uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shebellaha Dhexe Cabdi Jiinoow Calasow,waxaana uu sheegay in Cid gooni ah aysan Go’aamin karin halka lagu qabanayo Shirka Maamulka loogu dhisayo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sidoo kale  Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinoow ayaa ugu baaqay Siyaasiinta ka soo jeeda Labada Gobol in ay Faraha kala baxaan halka lagu qabanayo Shirka oo ay u daayan Dadka Goboladaasi loogana danbeeyo.

Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa waxaa loo balansan yahay in loo sameeyo Maamul Goboleed,kaa oo Dowladda Federaalka ay sheegtay in ay Da dajineyso.

HOOS KA DHAGEYSO: