TOP DHAGEYSO : Cabdi Waal oo sheegay Madaxweynaha Galmudug in uu kiro ku degan yahay Madaxtooyada Cadaado.

0

Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolada Dhexe, ayaa si kulul u weeraray Maamulka Galmudug, isagoona ku eedeeyay in yoolkiisu uu yahay dagaalo sokeeye oo Gobolada Dhexe, ay ka huriyan, sida uu yiri.

Waxa kaloo uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in bil kasta uu lacago kiro ah ka bixiyo Madaxtooyada Cadaado, halka Xildhibaanada kulan kasta ay yeelanayan laga qaado lacag dhan kun dollar, sida uu yiri.

“C/kariin Xuseen Guuleed Xarunta Madaxtooyada Magaalada Cadaado labaatan kun ayuu ka dhiibaa bishii, Baarlamaanku markuu shir qabanaayana kun dollaraa maalintii laga qaadaa. Dad sidaasi ah dhaqaalo looga qaadanaayo, guryaha ka kireysan yihiin dowlad ma’ahan. Waa dad marti ah, oo dad kor joogga, meeshana ka goobaaya inay dagaalo ahli ah ka abuuraan, ayadiina uma hirgaleydo.” Ayuu yiri Cabdi Nuure Siyaad.

Mar uu ka hadlaayay Maamulka Galmudug, ayuu sheegay inuu yahay mid uun lagu khaldaayo Caalamka, isla-markaana uu ku sugan yahay oo qura dhulkii uu ka arriminaayay Maamulkii Ximan & Xeeb.

“Arrinta Galmudug caalamkaa lagu qayaanayaayoo waxaa laga fahamsiinayaa in ma aragtay meesha dowladi ka jirto, meeshana dowladi kama jirtee shakhsiyaad diyaarad ku yimidoo dad inta keensaday lacag ku baxshay, wax Maamul ku sheega ka samaystay. Maamulkii Ximan & Xeeb meesha ka jiri jirayoo dhirarka dhulka uu ku fadhiyo, oo ahaa Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe. Waa 24km oo dhul ah ayaa Maamulka Ximan & Xeeb ku fadhiyay. Maamulkii baa dhaqaalo raggii Madaxda u ahaa la siiyay, Wasiiradii Ximan & Xeeb oo qaylo dhaaminaya ayaa laga kor qaatay meeshii oo rag ka iibsadeen. Intii baa markii laga gatayna wixii ka dambeeyay Maamulkan aad sheegeysay haddeer oo la yiraahdo Galmudug ayaa magacii Cabdi Qaybdiid laga soo gatay, saas loo soo dhex fariisiyay.” Ayuu yiri Cabdi Nuure.

Cabdi Waal oo la hadlay Idaacada Goobjoog, ayaa sheegay dadka degga Gobolada Dhexe in ujeedkoodu uu ahaa, inay dhistan Maamul Goboleed ay u dhan yihiin, balse ay soo dhex galeen dad uu ku sheegay in diyaarad lagu keenay.