TOP DHAGEYSO:- Cabdiwali Gaas Oo Ka Hadlay Halkey ku danbeeyeen All-shabaabkii Gal-galla.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo Xalay ka hadlayay Munaasabad  ka dhacday Garoowe oo loogu dabaal dagayay Aas aaskii Maamulka Puntland  oo ay ka soo wareegatay 17-Sano ayaa ka hadlay Arrimo badan oo Xaalada Dalka quseeysa.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeyn ka hadlay Dagaalka uu Maamulkiisa kula jiro Dagaalameyaasha Al-shabaab,waxaana uu mudo 30 Cisho ah uu u qabtay Dagaalyahanada Al-shabaabka ka tirsan ee ku sugan Galgala in ay isku soo dhiibaan Maamulka oo Cafis oo fidinayo waxii ku siman 30-kaas bari.

Madaxweynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali ayaa sidoo kale ka hadlay Dib u dhaca Doorashada Dalka Soomaaliya oo la sugayay in 2016 ay dalka ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah islamarkaana Dowladda Federaalka Madaxdeeda ay Mas’uul ka tahay Arrintasi.

C/wali Gaas ayaa ku baaqay in  la qabto Shirweyne Qaran oo looga hadlayo aayaha Soomaliya iyo sidii 2016 ay Doorasho Dalka uga dhici laheyd.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: