TOP DHAGEYSO : Ciidamada AMISOM oo Sheegay in Askar Ka Badan 200 oo ka tirsanaa Al Shabaab ku Dilay Koonfurta Soomaaliya.

0

Ugu yaraan 250 Ruux oo ka tirsanaa Ururka Al Shabab ayaa waxaa lagu Dilay Howlgalka looga magacday Wadada Juba oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, sidaasi waxaa lagu daabacay Wargeyska The Star.

Wargeyska oo soo xiganaya Saraakiil ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 ka mid ahaa Saraakiisha Xarakada Al Shabaab in lagu Dilay Howlaglladaasi oo laga sameeyay bishan Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamada ka socda Dalalka Kenya, Uganda, Ethiopia, Burundi iyo Djibouti ayaa kordhiyay howlgallada militari ee la doonayo in Al Shabaab looga saaro Degaanada ay ka maamulaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hada ma jiro hadalo madax banaan oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo beninaya Boqolaalka  Ruux ee looga Dilay howlgalka Wadada Juba ee ka socda Koonfurta Soomaaliya.