TOP DHAGEYSO:- Dagaalamayaal ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan+Magacyo.

0

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Qaar ka mid ah Saraakiishaan oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Warbaahinta islamarkaana diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa tilmaamay in illaa 10 dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ah ay dileen kuwaas oo ka qeyb qaadanayay weeraro ay Al Shabaab ku soo qaadeen deegaanno dhawaan lagala wareegay oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Meelaha Al Shabaab- ka dhawaan dib looga qabsaday ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan iyo deegaanno ku dhow dhow duleedka Magaalada Baladweyne.

Masuuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan Iclaamiyay Howl gal ka dhan ah Al Shabaab gaar ahaan deegaanada Gobolkaas Hiiraan ay kaga sugan yihiin.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: