TOP DHAGEYSO:- Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Kuwa Amisom Oo Ka dhacay Degmada Xudur.

0

Magaalada Xudur ee Gobolka bakool waxaa haatan ka socda Dibadbax ay dhigayaan dadka ku nool Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool Ujeedka Dibadbaxa ayaa ah mid lagu taageerayo Howgalada ay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa  Midowga Africa ee amisom ay ka wadaan Gobolada Bay iyo Bakool

Dadka ayaa wata Boorar ay ku qoran Yihiin waxaan Taageersanahay Hormarka ay gaareen ciidamada dowlada soomaliya iyo Kuwa amisom gaar ahaan kuwa degmada Xudur

Maamulka Gobolka Bakool Gaar ahaan  Kan Degmada Xudur iyo qeybaha Kala duban ee Bulshada ku dhaqan Degmada xudur ayaa qeyb aheyd  Dibadbaxaan Lagu Taageerayay Howgalada ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom

Mudooyinki ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ayaa Howlgalo ka waday Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka Bakool iyagoo la wareegay degmada Xudur oo dhawaan ka Baxeyn ciidamada al-shabaab

Dhageyso codka Cllaahi Max’ed Nuur oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Bakool Ahna Gudoomiye ku xigeenka Gobolkaasi