TOP DHAGEYSO : Gudoomiyaha Cusub Ee Garowe Oo Maanta Xilka La wareegay, Balanqaadna Sameeyay.

0

Gudoomiyaha cusub ee Magaaladda Garowe Xasan Maxamed Ciise”Goodir” ayaa maanta si Rasmi Ah xilka ula waregay ka dib munasabad kooban oo lagu qabtey xarunta dowladda hoose ee degmada Garowe.

Masuuliyiin Ka socday wasaraddaha arimaha gudaha, Caafimaadka iyo xubnaha golaha deegaanka degmada Garowe Ayaa Ka Qeybgalay munaasibadaasi,

Axmed Siciid Geelle”Shoodhe” Gudoomiyihii KMG Ahaa Ee Garowe Lagana Guuleystay ayaa sheegey inu la shaqeynayo gudoomiyaha cusub, isagoo Sodoo Kale Codsaday in lala shaqeyo Gudoomiyaha Cusub.

Gudoomiyaha Cusub ee Dagmadda Garowe Maantana Xilka la wareegay Xasan Maxamed Ciise”Goodir” Oo Goobta ka hadlay ayaa Sheegay inuu dardar galin doono shaqada dowladda hoose, waxqabadkiisa ayuu xusey inuu u dib dhigan doono xaflad uu ku tilmaamey Caleemo saarkiisa.

Goodir ayaa dhawaan Ku Guleystay Xilkan Kadib Doorasho ka Dhacday Xarunta Hay’adda PDRC Ee Magaaladda Garowe.

Hoos ka Dhageyso Warbixin: