TOP DHAGEYSO : Gudoomiye Kaliil Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobolka Gedo iyo Howlaha Maamulkiisa.

0

Guddoomiyaha Maamulka Gedo ee dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Kaliil ayaa beeniyay wararka sheegaya in Koox dhawaan Axmed Madoobe u soo Magacabay gobolka Gedo uu halkaas ka howl galo.

Mr Kaliil ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa ka shaqeeyo Gobolka Gedo iyo dhammaan deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga , waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu tagi doono degmada Baardheere iyo sidoo kale degmooyinka kale ee Gobolka Gedo.

Dhinaca kale Guddoomiye Kaliil ayaa sheegay in maamulkiisa uu aqoonsi ka heysto weli dowladda Federaalka sidaas daraadeedna uu yahay maamulka sharciga ah ee ka arrimiya Gobolka Gedo,wuxuuna carabka ku dhuftay in Ciidamada Kenya ee gobolkaas aanu wax taageer aan ka ahayn iskaashi dhanka nabad gelyada ah aysan ka helin.

Hadalka guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi kaliil ayaa imaanaya xilli Horay Ay Mar U Xanibeen Ciidamadda Itoobiya Iyo Kuwa Kenya Oo Howlo ka Baxsan Nabad Ilaalinta Ujoogga Gobolka Gedo.

DHAGEYSO COD KOOBA: