TOP DHAGEYSO:- Howlgalka AMISOM oo iska Fogeeyay waxii ka dhacay Magaalada Marka.

0

Qoraal kooban oo ay howglka Midowga Afrika ee AMISOM kusoo qoreen Bogga ay kuleeyihiin Twitter ayey kaga hadleen waxa AMISOM ahaan ay ka ogyihiin wixii kadhacay Magaalada Marka oo lagu eedeeyay ciidamada AMISOM in dad shacab ah ay halkaasi kudileen.

AMISOM ayaa qoraalkooda kusheegay in maqribnimadii jimcaha saacadu markey ahayd 6:00 PM  qarax lala eegtay ciidamada AMISOM kuwaa oo kuguda jiray howlahooda shaqo , qaraxaasna uu dhaawac kasoo gaaray 1 askari oo AMISOM ah.

Intaa kadib AMISOM ayaa sheegay in ciidamada oo qiimeenaya xaalada kadib qaraxa ay  ka maqleen rasaas goob udhow qaraxa goobta uu kadhacay , dabadeedna ciidamadu ay kubaxeen goobtii ay kamaqleen rasaasta iyagoo sikadis ah ula kulmey 5 ruux oo markii ciidamadu goobta ay yimaadeen ku baxsaday doon dheereesa.

“Iyadoo ciidamadu wadaan howlgal ,ayey lakulmeen meydadka 7 ruux oo yaalay dhanka Biyaha” ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Waxay AMISOM sheegeen inay tuhunsanyihiin in  falkan ay geysteen Alshabab iyagoo maraya qaab aargudasho ah .

Intaa AMISOM waxay kusii dartay “ Waxaan si taxadar usheegeenaa in Al-shabab hada ay caadeesteen adeegsiga Dacaayad raqiis ah oo ay kumuujinayaan in AMISOM ay disho dadka shacabka Soomaalida ah.”

AMISOM ayaa xustay in ay dareesanyihiin macquul galka saameeynta kadhalankarta howlgalkooda kadhanka ah Al-shabab ,ayna sameyndoonaan wax-walba oo yareyn kara  khasaaraha soo gaarya  shacabka.

Ugu dambeyntii waxay warkooda kusheegeen inay samey doonaan baaritaan rasmi ah.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI: