TOP DHAGEYSO:- Maamulka Shabeelaha Hoose: ” Dhiiga shacabkeenna in Micno darro loo daadiyo maaha wax aan aqbaleyno”.

0

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa sheegay in aysan u dul qaadan doonin falkii dhawaan ka dhacay Magaalada Marka ee la xiriiray rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM oo sida la sheegay ay ku geeriyoodeen dad rayid ah islamarkaana Maamulka Shabeelaha Hoose uu qaadi doono Tallaabo ku haboon.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu hoostaga ka xariiqay in Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose in marna uusan ka gadmi doonin dhibaateynta shacabka ay Masuulka ka yihiin.

Geesta kale Guddoomiye Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa baaq u jeediyay shacabka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo  horumarka Magaalada sidoo kalana markii ay dhibaato soo food saarto ku wargeliyaan Maamulka Gobolka si wax looga qabto arrintaas.

Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa uu guddi u saaray in ay soo baaraan dhibaatadaas la sheegay in AMISOM ay kula kaceen dad rayid ah oo ku kala dhaqnaa Magaalooyinka Marka iyo Xudur ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bakool.