TOP DHAGEYSO : Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka heley Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa kulan la qaatay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al-nahyaan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Sidoo  kale waxaa looga hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi cusub oo ay labada dal sameeyaan, waxaana uu dhaxal sugaha balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawinayaan dib u dhiska ciidanka, tababarsiinta iyo qalabeyntooda.

Sheekh Maxamed bin Zayed Al-nahyan dhaxal sugaha Imaaraadka ayaa tilmaamay in ay ka go’antahay sidii ay mar waliba u caawin lahaayeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in bisha September ay qaban doonaan shirweyne looga hadlay sidii maalgeshi loogu sameyn lahaa oo ay ka wada qeyb geli doonaan ganacsato Imaaraadka ka soo  jeeda  iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga  mahadceliyay Dowladda Imaaraadka taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan

hoos ka dhageyso wareysi”
.