TOP DHAGEYSO:- Monitoring Group oo eedeysay Shirkad Shidaal ka baareysa Soomaaliya.

0

Khubaro ka tirsan Guddida Qaramada Midoobay ee qaabilsan Cunaqabatayta ayaa ku eedeeyey shirkadda British-ka ah ee Som Oil and Gas inay bixinayaan lacago aad u badan oo ay siinayaan Wasaaradda Shidaalka ee Somaalia.

Warbixinta Guddiga ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay aragtay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa khubarada diyaarisay ay sheegeen in Shirkadda SOM OIL ay bixisay illaa $600,000 taas oo qayb ka ah dedaallo ay doonayso inay ku ilaashato isla markaana ballaadhiso heshiiskeeda sahminta shidaalka ee ay la gashay  wasaaradda Shidaalka Soomaaliya sannadkii 2013, kii.

Sida ay Reuters ka soo xigatay warbixin sir ah oo ay uruuriyeen khubaro ka tirsan guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeeridda cunaqabtaynta Hubka ee Somalia iyo Eriteria, oo ay aragtay Reuters ayaa lagu sheegay in Shirkadda Biritishka ah ee SOMA ay sidoo kale siisay illaa $495,000 oo dollar Garyaqaan la talinayey xukuumadda Soomaaliya markii uu wada-xaajoodku socday.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay Dr. Faarax Cabdi Xasan oo ah agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Batroolka in uu qaatay lacago laaluushka oo gaaraya 36,000 (£23,000) lacagtaas oo ka badan Mushaarka 12 bilood uu ka qaadan lahaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ayay warbixinta lagu yiri.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa warbixinteeda ku sheegtay in wasiirka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamad Mukhtaar Ibraahim uu diiday in uu ka hadlo arintan ku aadan Musuq maasuqa lagu edeyay shirkada iyo iyo lacagaha laluushka ah ee la siiyay Wasaaradiisu.

Warbixinta cusub ee eedaymaha soo jeedisay ayaaa imaanaysa xili todobaadkan ay soo shaacbaxay in Shirkada Ingiriiska laga leeyahay ee Som Oil and Gas in ee shidaal barista ka wada Soomaaliya in Musuq maasuq uu la dagaywaxaana wali socda Baritaan dowlada Ingiriiska ay ku wado howlaha shaqo ee Shirkadan ay Soomaaliya ka wado.