TOP DHAGEYSO : Prof Jawaari “Marka laga reebo Puntland, Maamullada kale waa kuwo aan sharci aheyn”

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya pro Maxamed Cismaan jawaari oo maanta ka qeybgalyey kulan lasheegay in looga hadlayo dib u eegista Dastuurka Qabyada ee Dalka ayaa sheegay in maamullada ka jira dalka marka laga reebo Puntland ay yihiin kuwo aan heysan sharciyad buuxda.

“wax la yiraahado dowlada gobaleed annaga aragtideena Baarlamaan ahaan  majiraan sharciyan, aan ka aheyn Puntland oo ka horeysay dastuurka iyo dowaladda  iyadana ay waxyaabo yar yar ka dhimanyihiin sida Dastuurkeeda in lawaafajiyo Dastuurka Dalka, inta kale waa maamul Gobaleedyo kmg ah oo lagu dhisay go’aan siyaasi ah oo aan sharci aheyn” sidaas waxa yiri Prof Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamanaka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lafahmo sharuudaha lagama maarmaanka u ah dhismaha maamul gobaleedyada taas oo uu sheegay in guddiga xuduudaha ee baarlamaanku uu meel mariyey ay  doorweyn ka qaadan doono arimahaan isagoo baarlamanakana u gudbin doono warbixinta maamulkii dhameystirma ee buuxiya shuruudaha.

prof Jawaari waxa uu sheegay in laba qodob oo ka mid ah Dastuurka uu baarlamanku laalay kadib markii uu arkayey inaaney munaasib ku aheyn hanaanka dowladnimo ,qodobadaas oo kala ah 67 iyo 135 halka qodobka 138 uu sheegay inay farqad cusub ku dareen.

Hadalaka Gudoomiyaha Baarlamanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ee ku aadan dhismaha Maamul gobaleedyada ayaa aad uga duwan aragati marar kala duwan uu  Madaxweyne Xassan  ku sheegay in dowaladiisu ay mudadii ay jirtay ku guuleysatay  dhismaha iyo ka hirgalinta dalka maamulo fedraala ah.

Halkan ka dhageyso Hadalka Afhayeenka Baarlamanka  Soomaaliya