TOP DHAGEYSO : Sadax Ruux ayaa Xaley Siyaabooyin kala duban Loogu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

0

Wararka ka imaanaya deeganka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in siyaabo kala Duban Halkaa Loogu diley Sadax ruux oo dadka deeganka kamid ahaa

Haweeney ku sugan deeganka ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay ayaa in saakay deeganka ceelasha Lagu arkay Sadax ruux oo meyd ahaa oo xalay Lagu diley deegankaas

Ciidamo ka Tirsan dowlada soomaliya ayaa haatan ku sugan Halka saakay Laga helay meydadka 3-ruux oo dadka deeganka kamid ahaa oo xalay lagu diley deeganka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho

Ilaa hada Lama ogo cida Sida Rasmiga ah ka dambeesay dilka xalay loo Geystay 3-ruux ee ku suganeed deeganka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho

Dhanka kale Maamulka deeganka ceelasha Biyaha ee dowlada soomaliya  aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan dilalka xalay ka dhacay deeganka

Halkan ka dhageyso Codka goobjoogaha