TOP DHAGEYSO WARBIXIN: Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee Puntland Oo ka waramay Qarax Ka Dhacay Garowe.

0

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw-axmed ayaa maanta ka hadlay ammaanka gobolka oo uu sheegay inuu marayo heerkii ugu wanaagsanaa.

Cabdullaahi Ciise oo Shirjaraa’id Ku Qabtay garowe Ayaa Ka Warbixiyay Weerar Habeen Hore Ka dhacay Mid Kamid ah xarumaha Ganacsiga Ee Magaaladda Garowe Weerarkaasi Oo Sababay Dhaawaca Dhowr Qof.

“Dhacdadaasi ma ahan sida loo buun-buuniyay, mana ahayn waxa laga dhigay, ma ahayn qarax argagixiso oo cid lala beegsanayay, balse waxay ahayd dambi dhacay oo u dhacay si aan ula jeedo ahayn”Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Waxa uu gudoomiyuhu sidoo kale sheegay in baaritaan ay sameeyeen ciidamada amniga ku soo ogaadeen inay ahayd bumbo yar oo aan awood badan lahayn balse timi gaari NOHA ah oo aan la hubin inay ka dhacday iyo inay laga tuuray.

“Runtii khasaaraha ka dhashay ma weynayn, dhalinyaro dubnad ku ciyaaraysa aga wax ka dhaceen waxa soo gaarey dhaawacyo yar-yar, gaari meesha yaalleyna waxaa ka qarxay taaiyirada dambe, waxaa socda baarista sida wax u dhaceen balse waxan ogaaney inaysan arintu ku lug lahayn falalka argagixisada, waxaase dad loo qabtey dad arintaasi lagu tuhmayo”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Ciise.

Habeen Ka Hor ayeey Aheyd Markii Weerar Sababay Dhaawaca 3 Qof oo rayid ah uu ka dhacay Mid Kamid Ah Xaafadaha Garowe waxaanan Weerarkaasi horay oga hadlin masuuliyiinta Puntland.

Hoos ka dhageyso wrbixin: