TOP DHAGEYSO WARBIXIN:- Haweeney Markii Uhoreysay isku soo sharaxday xilka duqa dagmada Garowe.

0

Haweeneyda Suhuur Xaashi Maxamed oo kamid ah xildhibaanada gollaha cusub ee deegaanka Garowe ayaa ku dhawaaqday inay tahay murashax u taagan Xilka duqa degmada Garowe Ee Caasimadda Puntland,

Kadib Munaasibad ka dhacday magaaladda garowe Oo Ay ka Soo qeybgaleen Dad kala duwan, ayeey hadalkan Ka sheegtay.

Go’aankaan Ayeey Sheegtay inuu ku dhaliyay isbadalka Puntland ka curtay ee ah inay dumarku doorku door muhiim ah ku yeeshaan siyaasada iyo maamulka dalka, iyadoo ka faa’idaysanaya dowladda Puntland oo door muhiim ah ka ciyaaraysa inay dumarku fursado ka heleen awooda dalka.

Waa Markii Ugu horeysay intaan Ognahay Haweeney Isku soo taagto Xilka Duqa dagmadda Garowe, Taas oo dhawaan Doorashadeedu ay dhacayso.

Hoos ka dhageyso warbixin: