TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Ahlusunna oo dib xabsiga ugu celisay Wariyayaashii Dhuusamareeb.

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-Gaduud ayaa Sheegaya in Goordhow dib xabsiga loogu ciliyay Wariyaashii Xalay Damiinta lagu sii daayay.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Wariyaasha Maanta maxkamad lasoo taagay iyada oo la isku fahmi waayay danbiyada loo heeysto Wariyaashaasi.

Waxaa jira qilaaf soo kala dhexgalay ehalada wariyaasha iyo Masuuliyiinta Maamulka Ahlusunno Waljameeca Ee Degmada dhuusamareeb taasi oo keentay in dib xabsiga loogu ciliyay.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusunno oo ay arintaasi kaga hadlayaan hase ahaatee waxa ay horay u sheegeen in 6-da wariye lagu helay faafinta wararka ka dhanka ah maamulkaasi.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI AAN LA YEELANAY MID KAMID AH WARIYAYAASHA DHUUSAMAREEB: