TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Ahlusunna Oo Maanta Maxkamadeynaysa Lix Saxafi, Gudaha Dhuusamareeb.

0

Ahlu Sunna Waljameeca Ayaa Maanta maxkamad soo taageysa Lix Saxafi oo lagu soo oogay iney hurinayeen Colaad baahsan kadib markii ay warar ka tabiyeen Dibad bax ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galguduud.

Wariyeyaasha Xiran ee Maxkamada La soo taagi doono waxaku jirta Wariye Nafisa Xersi oo loo heysto iney warbaahinta ka sheegtay Tacadiyo saxafiyiinta ay kala kulman Ahlu Sunna Waljameeca,

Sidoo kale waxaa Xoriyadoodii heley saxafiyiintaasi walow Maanta la filayo iney Maxkamad Hor tagaan,

Nafiso Xirsi Oogle Oo La hadlaysay Shabakadda all-galgaduud media Ayaa Sheegtay in Waxa lagu heysto aysan u heyn Wax cadeyma ah islamarkaanna Ay arki doonaan wixii maxkamadda ka soo baxa,

Ururada U dooda Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee NUSOJ iyo SIMHA ayaa si wada jir ah u Cambaareeyay Xariga Wariyeyaasha waxa ayna Ahlu Sunna ugu yeereen iney si deg deg ah ku sii deyso Saxafiyiintasi.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA: