TOP DHAGEYSO WAREYSI: Beello ku dagaalamay Warshiiq oo la heshiisiinayo

0

Degaanka Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe maanta waxaa lagu wadaa in lagu soo Afjaro Colaad mudo u dhaxeeysay Beello wada daga Degaanka Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana halkaa maanta la filayaa in Heshiis lagu kala saxiixdo.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Odayaal ka tirsan Labada Dhinac ayaa manta tagaya Degaanka,kuwaa oo Goobjoog ka noqonaya Heshiiska.

Beelaha ku dagalamay Degaanka  Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr Jeer loogu baaqay in ay Nabad qaataan oo ay ka Tanasulaan dagaalkan.

Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato