TOP DHAGEYSO WAREYSI : Xildhibaanno Hadda Kudlo Cusub Ku Sameystay Cadaado, Kana soo Horjeestay Wasiiradda Cusub.

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Gal-Mudug oo Kutlo Sameeystay kana soo horjeeystay Wasiirada Madaxweyne Guuleed uu Magacaabay.

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado Ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gal-Mudug kuwaasi oo gaaraya 30 Xubnood in ay maanta sameeystay Kutlo kaasi oo ay ugu magacdareen Kutalada Baarlamaanka Ee Bad Baadinta Dowlada Goboleedka Gal-Mudug.

Xildhibaan Cumar Max’uud Mahad Alle oo Ah Gudoomiyaha Gutladaasi ayaa u sheegay Goordhaweyd Shabakadda All-Galgaduud Media (AGGM) in ay ka soo horjeeysteen Golaha wasiirada uu Madaxweynuhu Magacaabay.

Waxa uu sheegay in Wasiiradaasi uu Madaxweyne Guuleed ku soo dhisay Qaab qaldan sida uu hadalka u dhigay isga oo ku hanjabay in aanay Codka kalsoonida siin doonin Golahaasi wasiirada.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA: