TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay ka qabato Tacadiyada AMISOM.

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabato tacadiyada ay Ciidamada AMISOM ka geysanayaan magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay ku dilay magaalada Marka illaa shan ruux oo rayid ahaa, kadib markii qarax lala eegtay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen oo marayay gudaha magaalada.

Muxiyadiin Maxamed Xaaji oo horay Wasiiirka Gaashaandhiga uga soo noqday Xukuumaddii Nuur Cadde ayaa sheegay in aan la maqli karin waxa ka dhacaya Marka, waxaana uu ugu baaqay dowladda inay arrintaas wax ka qabato.

“Wax la dhageysan karo ma ahan waxa ka dhacaya Marka, Ciidamada AMISOM ayaa dhibaatooyin iyo tacadi ku haya dadka shacabka ah ee masaakiinta, waxay si bareer ah rasaas ugu harqiyeen dad masaakiin ah”ayuu yiri Muxiyadiin Maxamed Xaaji oo ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska AMISOM ayaa sheegay inay baarayaan wixii ka dhacay maalin ka hor magaalada Marka, iyadoo dadka deegaanka ay ku eedeeyeen Ciidamada halkaas ku sugan inay si bareer ah ay rasaas ugu fureen dadka shacabka ah,

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM ay ku dileen Marka dad ka badan 10-ruux oo rayid u badnaa, waxaana dhacdadaas cambaareeyay dadka deegaanka

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI: