TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Faah faahin Wariyayaal Xalay lagu Xir xiray Dhuusamareeb.

0

Masuuliyiinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Magaalada Dhuuusamareeb ayaa Xabsiga dhigay Sadex wariye oo ka mid ah wariyayaasha magaalada dhuusamareeb Kuwaasi oo waqtigaan ku jira Xabsiga Magaaladaasi.

Wariyayaasha xiran ayaa kala ah Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo U shaqeeya warbaahinta Dawlada SNTV iyo RM, C/jamaal Macalin Axmed oo u Shaqaya KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Sanka) oo u wakiil wareed u ahaa Horn CableTV.

Wariye Maxamed deeq cabdi Maxamed iyo Bashiir Sanka ayaa 8:30pm laga qabtay gudaha magaalada iyagoo ku caweynayay baar ku yaala Gudaha magaaladaasi waxaana la iisheegay in askarta Maamulka Gobolada dhexe ay ku amreen inay raacaan kuwaasi oo dhigay xabsiga iyagoo ka qaatay telfoonadoodii gacanta.

Wariyaha sadexaad ee C/jamaal Macalin Axmed ayaa 10:00pm laga watay gurigiisa kadib markii ay gaareen Ciidamo ka tirsan maamulka Gobolada dhexe oo ka soo dhex watay wariyaha xili uu la caweynayay Caruurtiisa.

Maamulka Goboada Dhexe ayaa maalmahaan waday amaro adag kuwaasi oo ay horey iigu sheegeen in ay u waceen maamulkaasi wariyayaasha maalmo ka hohor waxayna ku amreeninay is diiwaan gashaan.

HOOS KA DHAGEYSO wariye SAAKA AAN KA WARAMAYA WARIYAYAASHII XALAY LA XIRAY: