TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka Magaalada Marka oo Beeniyay in ciidamada amisom, Ay dileen 4-wiil oo walaalo aheyd.

0

Iyadoo Galinkii dambe ee shalay qarax lala eegtay Gadiid  ciidamada Midowga Africa ee amisom oo maraayay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa so baxaya in ciidamada amisom  ay dileen 4-wiil oo walaalo aheyd oo ka ak dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay

Gudoomiyaha Magaalada Marka ee dowlada soomaliya Maxamed Cusmaan Yariisow oo qadka Taleefanka aynu kula xiriirnay ayaa Beeniyay wararka ku aadan in ciidamada amisom ay dileen 4-wiil oo walaalo aheyd kadib qaraxii shalay dhacay

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa Been abuur ku Tilmaamay Hadalka ku aadan in Ciiidamada amisom ay dileen 4-wiil oo walaalo aheyd markuu qaraxa dhacay Kadib

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada amisom Lagu eedeeyay in ay dileen Tiro dad ah Kadib Howgal ay ka sameeyeen Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha hoose

Ciidamada Amisom wali wax war ah Kama soo Bixin ay kaga Hadlayaan eedeynta loo jeediyay ee ah in ay dileen 4-wiil oo walaalo aheyd kadib qarax ka dhacay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose

Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Marka Yariisow oo ka hadlaya qaraxa