TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Odayaasha Marka iyo Saraakiisha AMISOM oo kulmay

0

Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan kuwa ku sugan Magaaladaasi.

Kulamada Odayaashaan iyo Saraakiisha AMISOM kadib oo qaar ka mid ah Odayaashii ka qeyb galay kulanka aan qadka Taleefanka ku haleelnay ayey noo sheegeen in ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo dhibaatooyinka Ciidamada AMISOM ay kula kacaan shacabka Marka qeyb ka ah.

“ waxaan ka codsanay in Ciidamadooda ay nagala baxaan guud ahaan degmada Marka maadaama ay dhowr jeer shacabkeenna ku xad gudbeen” ayuu yiri Mid ka mid ah Odayaashaasi.

Ma jiro Natiijo rasmi ah oo Odayaasha iyo Saraakiisha AMISOM ay isla gaareen.

Dhawaan ayey ahay markii Ciidamada AMISOM lagu eedeeyay in ay inkabadan 10qof oo rayid ah ku dileen Rasaas ay ooda kaga qaadeen xaafado dadkaas ay ku sugnaayeen.