TOP DHAGEYSO:- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo beenisay Musuqmaasuq lagu eedeeyay.

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Max’ed Nuur ayaa beeniyay in ay jiraan lacago Musuqmaasuq ah oo Xildhibaanada Baarlamaanka ay sheegeen in Wasaaraddu ay isdaba marin ku sameysay.

Mr Cabdullaahi ayaa ka warbixiyay howlaha Wasaaradda Maaliyadda , waxaana mowqif adag iska taagay in ay waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya Musuqmaasuq ay gashay Wasaaradda Maaliyadda sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa ku nuux nuuxsaday in Xildhibaanada Baarlamaanka ay yihiin dad Masuuliyiin ah oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed sidaas aageed ay waji gabax ku tahay in hadallo aan loo meel dayin ay Baarlamaanka horkeenaan sida uu yiri.

Shalay ayey ahayd markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda uu hortagay Golaha shacabka si Baarlamaanka uu uga warceliyo su’aalo ay weydiinayeen wasaaradaasi Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

HOOS KA DHAGEYSO: