TOP DHAGEYSO:- Xildhibaan Xoosh oo sharci darro ku tilmaamay heshiiskii Soma Oil & Gas.

0

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shari darro ku tilmaamay heshiiskii Wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya la gashay Shirkadda British-ka ee Soma Oil & Gas, isagoo ku baaqay in Baarlamaanka dib u eegis ku sameeyo heshiiskaas. 

Mr Xoosh ayaa sheegay in heshiiskaas lagu saxiixay qol mugdi ah, sidaas darteed uu xaaraan yahay sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Baarlamaanka oo mooshino iyo howlo kale ku mashquulsanaa ay sababtay in aan dib loo eegin heshiiskaas.

“Heshiiskaas waa mid sharci darro ah, waxaa lagu saxiixay qol mugdi ah, waxaa ka seexday baarlamaanka oo ku mashquulsanaa howlo kale, waa in dib u eegis lagu sameeyaa”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cun aqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku eedeeyay Shirkadda Soma Oil & Gas inay lacago laaluush ah siisay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Xafiiska UK u qaabilsan musuq maasuqa ayaa dhowaan bilaabay baaritaan ku saabsan musuq maasuqa ay shirkadan sameysay, iyadoo wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay cadeysay inay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada baaritaankaas.

hoos ka dhageyso: