TOP:- Mucaaradka Kenya oo ka hor yimid dhismaha darbiga dhanka xuduuda.

0

Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa ka hor yimid qorshaha dowlada Kenya ay ku dooneyso iney darbi kaga dhisto xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayay koox arday ah oo dhigata Sharciga ayuu sheegay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ineysan macquul aheyn xiligan in darbigaasi Kenya ay dhisto, ilaa dadka Kenyan-ka ah ay ku biirayaan Alshabaab.
Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in Al-shabaab kaliya aysan aheyn kuwo ka tagaya Soomaaliya, laakiin ay heleen taageero dad Kenyan ah oo ka tagay deegaanada Kamba, Kikuya, Luo iyo Luhya.
“Alshabaab kaliya kama yimaadaan Soomaaliya waxaa jira dad Kenyan ah oo taageera, waxaa doqonimo ah in aan maqalnaa dhismaha darbiga dhanka xuduuda ah,waan la yaabi lahaa haddii mid kale ay ka dhisi lahaayeen xaafada Islii, kadib waxaad is weydiineysa imisa darbi ayay dowlada dhisi rabtaa”ayuu yiri Kalonzo Musyoka.
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa dowlada ugu baaqay iney la timaado qorshe kale oo looga hortagayo weerada Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.