TOP NEWS:- Baarlamaankii uu sameystay Axmed Madoobe oo ku gacan seeray dalab kaga yimid isaga+Faah faahin.

0

Baarlamaanka uu Sameystay Axmed Madoobe, ayaa ku gacan seeray codsi kaga yimid isaga Oo Ahaa in waqtiga doorashada ay dhaceyso dib loo dhigo.

Cabdi Maxamed, Oo Sheegta gudoomiyah baarlamanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ku gacan seereen dalabka kaga yimid Hogaamiyaha maleeshiyada raaskanbooni Axmed madobe,.

Wuxuu sheegay in la hor dhigay Codsiga, islamarkaana ay diideen inay aqbalaan, waxaana ay sheegeen in go’aanka doorashada xilliga ay dhaceyso iyaga ay leeyihiin ayna u asteeyeen waqtiga doorashada la filaayo inay dhacdo.

Kooxda raaskanbooni ayaa isku raacay in 15-ka Bishan August ay dhacdo doorashada, aysana jirin waqti kale oo laga dhigaayo doorashada inay dhacdo, maadaama mar hore ay isku raaceen in August 15-keeda doorashada ay dhaceyso.

la soco faah faahinta