Top News: Dhoowr Ruux Oo Ka Soo Jeeda Qoyska Reer Bin Laden Oo Diyaarad Kula Dhacday Dalka Ingiriiska.

0

Afar ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii diyaarad yar ay ku burburtay Koofurta England iyadoo dadka waxyeelada ka soo gaartay ay ku jireen qaar kamid ah qoyska Osama bin Laden.

Dadkan ku dhintey shilkan ayaa waxaa ku jirey gabar ay walaalo ahaayeen Osama iyo eedadiis iyadoo diyaaradana ay ahayd mid ay qoyska reer bin Laden ay lahaayeen.

Diyaaradan ayaa waxa ay ka baxday wadada garoonka diyaaradaha ee Blackbushe magaalada Hampshire waxana ay ku dhacday goob lagu soo bandhigayay gaadiid oo ku dhoweyd garoonka diyaaradaha.

Safiirka Boqortoyada Sacudi Carabiya u fadhiya dalka Britain Prince Mohammed bin Nawaf Al Saud ayaa tacsi u direy qoysaskii ay ka geeriyooden dadka shilka ku dhintey gaar ahaan qoyska reer bin Laden oo ah qoys caan oo maalqabeena ah.

Afhayeen u hadashay Booliska Britain ayaa sheegtay in dhammaan dadkii saarnaa diyaarada oo gaarayay afar ruux ay dhinteen uuna ka mid ahaa duuliyihii waday diyaarada.

Osama bin Laden aabihii Mohammed Bin Laden ayaa ku dhintey shil diyaaradeed ka dhacay Boqortoyada Sacudi Carabiya sanadkii 1967dii halka Osama bin Laden lagu diley dalka Bakistan sanadkii 2011.

laden