Top News: Diyaaradaha Dagaalka Itoobiya Oo Duqeeyay Deegaano Hoostaga Degmada Buur Hakaba.

0

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters ay duqeymo ka fuliyeen deegaano u dhow dhow degmada Buurhakaba.

Diyaaradaha ayaa la sheegay inay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, waxaana wararka sheegayaan inay duqeeyeen dhul keyn ah oo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen gaadiid milateri oo ay lahaayeen Al-Shabaab, lamana oga illaa iyo hada khasaaraha ka dhashay.

Dad ku sugan Buurhakaba ayaa sheegay inay maqlayeen duqeynta ay geysanayeen diyaaradaha, waxaana la arkayay, iyagoo jawi hoos ku duulayay deegaanada ay kor marayeen.

Diyaarado Helicopter ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka kacayay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, waxaana ay ka qeyb qaadanayay howl galka Ciidamada Itoobiya ka wadeen Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii diyaarado Helicopter ah ay duqeeyeen gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana ku dhintay duqeyntaas dad ka badan 10-ruux.